NETHERLANDS-G/MIYAHA-MAXKAMADDA CAALAMIGA-AH EE-HAGUE Oo Loo Doortay C/Qawi-Axmed-Yuusuf!!…Waa Nin Sidee-Ah… “Warbixin”….

Waxaa Qoray on Feb 7th, 2018 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hague:(Allkisima)_Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands Ayaa Maanta Loo dooratay inuu Noqdo M/weynaha Maxkamadaas Garsoore-Dr:-Cabdi-qawi Axmed Yusuf oo ah muwaadin Soomaali ah.

Garsoore Cabdiqawi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta loo doortay in saddexda sano ee soo  socota uu noqddo guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Hague

Dr:-Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009.

Ugu dambeyntiina Dr:-Garsoore C/qawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Dalka Switzerland.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Gothenburg…Sweden.

 

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)