SOM-SH/Hoose-Malleeshiyaadka Al-shabaab Oo-Dagaal Looga Saaray-Tuulada Abiikaroow!!…Yaa Ka-Saaray “Warbixin & Sawirro…

Waxaa Qoray on Nov 24th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho🙁allkisima)-Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa Shabaab dagaal ugala wareegay gacan ku haynta Deegaanka Abiikarow, oo hoos-tagga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Xoogagga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Abiikarow, ka dib markii ay laba jiho kaga dhaqaaqeen.

Dhanka kale Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici), Taliyaha Ururka 26aad ee Guutada 3aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in labada ciidan ay iska caabin ka dib si buuxdo ula wareegeen Abiikarow.

Sidoo kale taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in Shabaabku ay shacabka ku dhibaateen jireen Abiikarow, ha yeeshee ay Ciidanka Xoogga soo afjareen dhibaatadaasi.

Dhinaca kale G/Dhexe Xasan Jaamici, ayaa hawlgalka lagu xoreeyay Deegaanka Abiikarow ku sheegay mid qeyb ka ah gulufka ciidan ee la qorsheeyay in Shabaabka looga sifeeyo goobaha ay dalka ka jooggaan.

Ugu Dambeyntiina M/weyne Farmaajo, ayaa bartamihii bishii hore ee Oktober iclaamiyay guluf ka dhan ah mintidiinta, ka dib qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe).

Allkisima News Desk

Diiwaanka wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)