ZIMBABWE:-M/weynaha-Dalka-Zimbabwe Oo Is-Casilay 37-Ka DIB-Ka DIB Markii….Warbixin….

Waxaa Qoray on Nov 21st, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

HarareūüôĀAllkisima)-M/weyniha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka ka dagay maanta kaddib markii xisbigiisu ugu hanjabeen in ay la tiigsanayaan sharciga islamarkaana ay maxkamad soo taagayaan.

Mugabe oo soo xukumayay Zimbabwe 37 sano isagoo xukunka qabtay sannadkii 1980-kii markii dalkaasi xornimo ka qaatay guneystihii Ingriiska.

Mugabe oo murankiisa xileed socday maalmo ayaa horay waxa uu u diiday in uu xilka ka dago kadib markii ciidamada xoogga dalkaasi ay si khasab ah talada dalka ugala wareegeen.

Muranka Mugabe ayaa bilowday ka-dib markii uu damcay in xaaskiisa oo 41 sano ka yarGrace Mugabe uu xilka dalkaasi ku wareejiyo maadaama uu isaga duqoobay uuna jiro 93 sano.

Ugu dambeyntiina Si uu arrintaasi ugu fududeeyo xaaskiisa ayaa waxaa uu xilkii M/weyne ku xigeen ka qaaday saaxiibkiis Emmerson Mnangagwa, sidaasna ay ciidamada kusoo fara-galiyeen arrinta.

Allkisima News Desk

Diiwwanka Wararka

Xafiiska/NBI.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)