SOM-DF-SOMALIA Oo Soo-Bandhigtay Magacyada Iyo-Sawirradii Raggii Loo Heystay-Qarixii Oktoobar 14keedii!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Nov 16th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:(Allkisima)-ayaa markii ugu horeesay bil kadib soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirada Shan nin oo loo heesto in ay wax ka abaabuleen qaraxii xooganaa ee 14-kii October ka dhacay Isgooska Soobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bar uu Facebooka ku leeyahay soo dhigay Sawirada iyo Magacyada shan nin oo u xiran ay wax ka abaabuleen Qaraxii Soobe.

Dowladda Federaalka SOMALIA  ayaa sheegtay in Qaraxii ka dhaca Isgooska Soobe uu fuliyay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Maadey Cismaan Xaaji kaa oo kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxaasi.
Raggan Dowlada Soomaaliya soo bandhigtay waxaa ku jira ninkii waday gaarigii Nohada ee ku qarxay Laamiga Ceel Gaabta, ninkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu isku xire ka ahaa qaraxa.

Halkan ka Akhriso Magacada Shanta Nin ee u xiran Qaraxii Soobe

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14-ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Waceys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu gaariga Noohada isku qarxiyo.
5. Abdullahi Abdi Warsame

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)