KENYA-M/weyne UHURU-KENYATTA-Garsoorayaasha-Maxkamadda Sare Ee-Dalkeenna-Waa BUR-CAD!!…Iyo-Mr-Raila-Odinga Oo…WARBIXIN & Sawirro…

Waxaa Qoray on Sep 2nd, 2017 and filed under wararka Caalamka, Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nairobi🙁Allkisima)-M/weynaha dalka Kiinya Uhuru Kenyatta ee doorashadiisa la diiday ayaa weerar afka ah ku qaaday garsooreyaasha Maxkamada sare ee dalkaasi oo natiijada doorashadii uu ku guuleestay waxbo kama jiraan kasoo qaaday.

Uhuru Kenyatta oo taageerayaashiisa kula hadlay suuqa Burma ee magaalada Nairobi ayaa burcad ku tilmaamay guddomiyaha maxkmadda sare dalkani Kiinya, David Maraga iyo garsooreyaasha Maxkamada ee soo celiyay dooarshada.

Xaalkan Isaga Ah Ee Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee Dalka ay ku qqaddeceen doorashadii La soo dhaafay Ee Agust 8-ayaa waxa ay aad farax-grlisay R/wasaarihii hore ee kiinya Mr-Raila Odinga & Xis.bigiisa

Dhanka kale M/weyne kuxigeenka dalka Kiinya Willima Ruto ayaa isna sheegay in afar qof oo uu ula jeedo garsooreyaashii xukmiyay go’aanka aysan beddeli karin go’aanka maalyiin shacab ah, waxa uusa tilmaamay in diyaar u yihiin doorasho kale .

Dhinaca kale M/wenaha Kiinya Mr-Kenyatta ayaa horey u sheegay in uu kasoo horjeedo go’aanka ee Maxkamadda sare ku baabi’isay guusha uu gaaray, balse uu ixtiraamayo una hongaasami doono go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare

Ugu Dambeyntiina G/miyaha maxkamadda ugu sare ee Kiinya ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday Guushii Dooarshada ee Uhuru , waxa uuna sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno ay hareyeen doorashada, isagoona amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI.
Categories: wararka Caalamka, Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)