J/Land-“Kisima”-Bannaanbax-Kismaayo Ka Dhacay & Dad Badan-Oo Xabsiga Loo Taxaabay Sababta-Iyo!!…,Warbixin…

Waxaa Qoray on Sep 2nd, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo:-(Allkisima)_Wararka naga Soo gaaraya Magaalada kismaayo ayaA Sheegaya  in 24kii Saac ee la soo dhaafay Ciidamada Magaalada kismaayo ay Xabsiga Dhigeen Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa waxaa ay banaan bax ay kaga Soo horjeedaan Sababta ka Dambeysay in Dowladda Soomaaliya ay u gacan geliso Dowlada Itoobiya C/xakiim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ahaa  saraakiisha ugu sarraysa ururka ONLF. Muddadii ugu dambaysa waxa uu ku dhuumaalaysanaayey gudaha SOMALIA.

Amarkan lagu Xiray Dadkan Shacabka ayaa Waxaa bixiyay HORJOOGAYAASHA mAAMULKA MAGAALADA KISMAAYO Oo Si Gaar Ah Uga Ammar qaata Axmed Madoobe,sida ay sheegeen Qaar ka mid ah Ehelada Laga Xiray Dadkooda,isla-markaana Diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta.

Dadka la Xiray ayaa Tiradooda waxaa ay Gaareysaa ku dhawaad 40 qof,inkastoo Ciidamada Amaanka Kismaayo  ay Baadi goobayaan Dad kale oo la Sheegay in iyagu ay baxsadeen,Maadaama Xilliga Howlgala uu socday oo dadka la qab-qabanayay Qaarkood ay goobta ka Carareen.

Xiriiro aanu la sameynayay Masuuliyiinta Maamulka xilligan ka jira kismaayo.ayaa noo suura galin,maadaama Saraakiisha Jubbaland qaarkood ay ka jawaabi waayeen Wicitaankeena.

Ugu dambeyntiina Maamulka xilligan ka jira Kismaayo ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in dhibaatooyin kala duwan loo geysto Siyaasiyiinta Caanka ah ee ka Soo jeeda Deegaanada jubooyinka iyo gedo.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/NBI.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)