SOM-J/Land-Shirka Golaha…… Wasiirrada-D/DHEXE Ee SOMALIA-Oo Kismaayo Ka Furmay!…Warbixin-Iyo Sawirro Horu-dhac-Ah!…

Waxaa Qoray on Jul 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo🙁Allkisima)-Waxaa goor dhoweyd oo Maanta ah si rasmi ah u furmay Shirkii Golaha Wasiirada ee X.F.SOMALIA Magaalada Kismaayo.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa shir-guddoominayey maanta R/Wasaaraha X.F.SOMALIA Dr:-Xassan Cali kheyre,waxaana looga hadli doonaa xaaladda SOMALIA.

Shirka oo ah kulankii caadiga ahaa ee Golaha wasiirrada ayaa looga hadli doonaa Arimo khuseeya Xaaladda SOMALIA,waxaana goob-joog ka noqon doona Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ka jira J/land ee kismaayo ku eg.

Wasiirka warfaafinta SOMALIA oo ku sugan Kismaayo oo warbaahinta madaxa bannaan la hadlay ayaa sheegay in kulankooda ka dib ay booqan doonaan xarumaha Maamulka lana kulmi doonaan shacabka deegaanka.

Ugu dambeyntiina xaalkan golaha wasiirrada SOMALIA ee Kismaayo soo gaaray oo kismmayo ku shiraya ayaa shacabka xillgan ku sugan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ,oo qaar waxa ay Yiraahdeen,waa dad dalxiisayaal  ah halka dadka qaar ay yiraahdeen,waa arrin Wanaagsan,oo midnimo muujineysa.

Allkisima News Desk 

Diiwaanka Wararka 

Xafiiska/Kismaayo.

 

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)