QATAR-Heshiis Ay Gaareen Dowladaha-Mareykanka Iyo Qatar Iyo-Xulafada Sacuudiga-Uu Hoggaamiyo…..Oo Aan La Ogeyn In…. Mowqifkooda!!…Warbixin….

Waxaa Qoray on Jul 12th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

DOHA🙁Allkisima)-)-Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa Talaadadii wada saxiixday heshiis is-faham ah oo ka dhan ah argagixisada, xilli ay weli taagantahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex Aloosan dalalka Khaliijka.

Haddaba Wasiirka arrimaha dibada Qatar Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, isagoo garab-taagan REX-Tillerson ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ku dhawaaqay In heshiiskani uu yahay mid tallaabo loogaga qaadayo kuwa maalgeliya argagixisada.

Dhanka kale Mr. Tillerson ayaa shalay isu-maray caasimadaha Qatar iyo Kuwait, halka maantana la filayo inuu tago magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga si uu ula kulmo madaxda dalalka go,doomiyey Qatar.

Dhinaca kale dowladaha Saudi Arabia, Isutaga Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa shanti bishi June jaray xiriirkii diblamaasiyadeed ee kala dhaxeeyey dalka Qatar ka-dib marki ay ku eedeeyeen in Doha ay taageerto argagixisada.

Ugu dambeyntiina waddamada khaliijka ee liddiga ku ah dalka Qatar cunaqabateynta ku soo rogay ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan heshiiskan cusub ee qatar & mareykanka.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)