SOM-M/weynaha DF-SOMALIA Dr:-Max’ed C/llahi Max’ed Farmaajo-Ayaa Maanta Si Rasmi Ah U-furay-Kala-fadhiga II Ee Xidhibaannada-Aqalka Sare!…Warbixin & Sawirro…

Waxaa Qoray on Jul 12th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho🙁Allkisima)_M/weynaha DF-SOMALIA DR:-Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee SOMALIA ka-dib lobo bilood oo fasax ah oo ay ku maqnaayeen.

M/weynaha oo ay bar bar taagnaayeen G/Miyaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Cabdi Xaashi C/llahi iyo Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in labada aqal ay garwadeen ka noqon doonaan dib udhiska dalka iyo Meel marinta darsuurka Qaranka.

Xaflad furitaanka oo ka dhacday xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare, Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Madaxweynaha Galmudug iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

                                                                                    

Dhanka kale M/weynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka miri dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

                                                                                                                                              Sidoo kale M/weynaha waxa uu tilmaamay howlo adag ee horyaalaan Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-Dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

Hadalladiisiina Waxaa Ka Mid Ahaa.

“Waxaa tihiin rajadii SOMALIA ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Ugu dambeyntiina kulanka ayaa soo gaba-gaboobay waxaana loo xiray muddadii uu socday Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)