SOM-(XOG)-Dacwad Heer Federaal-Ah Oo-Maxkamadda Sare Laga-Geeyey Mr-Axmed-Madoobaha-Maamula Degmooyinka Kismaayo-Iyo-Afmadoow!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 11th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho🙁Allkisima)-Ilo Muhii m Ah Oo Lagu kalsoonyahay Ayaa Sheegaya in dacwad heer Federaal ah laga geeyey Maxkamadda Sare Ee SOMALIA,Mr-Axmed Maxamed Madoobe.

Dacwadan oo la geeyay Maxkamadda Sare ee DF-SOMALIA ayaa waxaa gudbiyay mid ka mid ah xildhibaanno dhowaan laga saaray B/lamaanka maamulka kismaayo waxaana magaciisa lagu Sheegay oo lagu Sheegay Mr-Maxamed Cali Yuusuf.

Xildhibaankan ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad uu ku soo oogay Axmed Madoobe, taasoo ku saabsan inuu kasoo masaafuriyay magaalada Kismaayo isla-markaana si sharci darro ah u abaabulay in jagadii xildhibaan-nimadiisa laga qaado.

Waxaa xusid mudan in Xildhibaankan uu ka hadlay xaaladda maamulka axmed Madoobe iyo dhaliilaha waxqabad la’aan ee ka jira maamulkaasi, wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin jabhad ku heysta G/J/Hoose.

Ugu dambeyntiina Waxaa Xusid mudan in Maxkamadda Sare ee dalka ka jirta xilligan oo dhowaan sharci darro ka dhigtay doorasho ay ku soo baxeen xildhibaanno ka tirsan B/lamaanka Federaalka SOMALIA ayaa la filayaa inay dacwaddaan qaaddo, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto,xaaladdan Maamulka J/Hoose iyo Xildhibaan Max’ed Cali Yuusuf.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

 

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)