J/Land -“Kisima”-Jawiga-Magaalada Oo Ka-Beddelmay Sidii-Hore & Ciidamo Tiro Badan Oo La-Soo Dhoobay… Iyo Wasiirrada….. D/Dhexe Qaar-Ay!!….Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 11th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kismaayo:-(Allkisima)_Magaaladda Kismaayo ayaa gashay xaalad cusub xilli sacaadihii lasoo dhaafay ay kusii qul-qulayeen wasiirrada D/DHEXE ee FEDERAALKA.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ku dhawaad shan diyaarad oo sida shaqaalo katirsan xafiiska R/Wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay tageen soo gaareen magaalada Kismaayo , halkaas oo La sheegay in uu ku qabsoomi doono shirka golaha wasiirrada.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaha yimi kismaayo in inta badan saarnaayeen  ciidamo katirsan DF-SOMALIA,kuwaas oo loogu tala-galay iney sugaan amMaanta xukumadda Xilliga ay ku shirayaan magaaladda Kismaayo.

Dhinaca kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamin doona wasiirrada ugu badan ee tagaya magaaladda Kismaayo, halka R/W kheyre isna Kismaayo laga sugayo.

Talaabadan ah in Kismaayo lagu qabto shirka golaha wasiirrada ayaa timid ka-dib baaq uu horey ujeediyay maamulaha degmada Kismaayo Mr-Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo xusid mudan in Ammaanka Kismaayo aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada dowladda ee Muqdisho ka yimi iyo kuwa kismaayo ay bilaaben iney howl-gallo gaar ah ka sameeyaan-Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntina waxaa xusid mudan in tahay markii ugu horreysay oo meel ka baxsan Muqdisho lagu qabto shirka golaha wasiirrada DF-SOMALIA ,arrinkaasoo dadka siyaasadda guud ee-SOMALIA La socda ay ku macneeyeen mid aanan waxba soo kordhin doonin.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Kismaayo.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)