USA-Diyaarad Millateri Oo Ciidamo Sidday-Lagana leeyahay Dalka Mareykanka Oo-Dhacday & Dhammaan Raggii Saarna Oo!!…Warbixin….

Waxaa Qoray on Jul 11th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Mississippi:-(Allkisima)- Inta La Ogyahay 16 askari oo dalka Mareykanka u dhashay ayaa geeriyooday ka dib markii ay dhacday,diyaarad ay leeyihiin ciidamada millaterig mareykanka cilliad farsamo awgeed.

Qaar ka Mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee dalka Mareykanka ayaa baahiyey dhacdadaan,waxaana calool xumo ay ka muujiyeen arga-gax ka dib dhammaan Markii ay ku dhinteen 16kii Askari ee la-Socday.

Sidoo kale warbaahinta qaar ayaa xaqiijiyey,in hal mar  la arkay qiiq iyo uuro Madow oo cirka isku shareeray, ka dib burburka diyaaradda.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Militariga Mareykanka ayaa sheegay dhacdada diyaaradda ku burburtay inay aheyd mid naxdin badan leh,oo tiiraanyo mudan.

Dhinaca kale Afhayeenka Millateriga mareykanka ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada askarta soo gaartay, sidoo kalena macluumaad kama uusan bixin Sababta keentay burburka diyaarada.

Ugu dambeyntiina warbaahinta dalka Mareykanka ayaa saaka tabinaysa khasaaraha soo gaaray ciidankaasi inay tahay dhimashada 16 askari.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Kampala.

 

 

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)