SOM-Akhriso: War murtiyeed Laga-Soo Saaray shirkii Golaha Amniga-Iyo Qodobadii Lagu Muransanaa-Oo-Aan Ku Jirin!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 10th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:-(Allkisima)-Shirkii Golaha Amniga Qaranka  ee magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maanta la soo gaba gabeeyay.

Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, oo aanay ka dhex muuqan qodobadii maalmahan lagu muransanaa, iyadoo Madaxda u saaray guddiyo farsamo oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo M/Goboleedyada

Madaxda shirka ka qeyb galeysay ayaa aad isugu hayay qaab dhismeedka ciidamada iyo cida maamuleysa, habka loo marayo, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ku doodayeen inay qeyb ka noqdaan maamulka dhismaha ciidamada.

Wasiirka G/dhigga SOMALIA C/rashiid ayaa Saxaafadda u akhriyay qodobada ka soo baxay shirka oo ay ku jirtay in shirka Golaha Amniga Qaranka la qabto saddexdii bilba mar.

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka:-

1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay R/Wassaraada DF-SOMALIA MR-Xasan Cali Khayre, R/Wasaare Ku Xigeenka Mr-Mahdi Maxamed Guuleed, hoggaamiya-yaasha M/Goboleedyada C/weli Gaas,Axmed Madoobe K/Galbeed Shariif Xasan , Gal-mudug Mr-Axmed Ducaale Geelle, Xaaf,Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble, G/miyaha G/Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mr-Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, G/dhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)