KENYA-Malleeshiyaadka AL-shabaab Oo Laga-Yaabo In Ay Qabsadaan Jaziiradda Lamu-Waayo Bara-kaca Ayaa!!…Warbixin..

Waxaa Qoray on Jul 10th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Lamu:-(Allkisima)-Shacabkii ku noolaa Jaziiradda Lamu ee dalka Kiinya ayaa bilaabay inay ka barakacaan Guryahooda ka-dib markii ay kordheen Weerarada ay al-shabaab ku heyso degaankaas.

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka degaanka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ka baxay jaziiradda -Lamu, waxayna sheegeen iney dareemeen cabsi xoogan oo ay ka qabaan iney dilaan xoogaga Al-Shabaab.

Qoysaska barakacaya ayaa ka argagaxsan weeraro maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan Jasiirada Lamu kuwaasoo lagu dilay dad Kiinyan ah oo guryahooda lagala soo baxay.

Meydadka 9 qof oo la gowracay ayaa la soo dhigay tuulada Jim Habeenkii Jimcaha ee ina dhaafay kuwaasoo ay laayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka sii horeeyey arbacadii oo isla degaankaas lagu
dilay afar askari oo Kenyan ah.

Dowladda Kiinya oo u muuqata iney ku jahwareersan tahay qaabkii ay Al-shabaab uga adkaan laheyd ayaa shaacisay shalay in bandow lagu soo rogay saddex magaalo oo ay ku jirto Jasiirada Lamu.

Ugu dambeyntiina wararku waxa ay tibaaxayaan in ciidamadii amaanka Kiinya ee ku sugnaa Jaziirada Lamu ay qeyb ka noqdeen dadka barakacaya, taasoo ka dhigan in Al-shabaab ay qarka u Saaran tahay iney si buuxda ula wareegto Jaziiradda Lamu.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Kampala.

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)