SOM-(XOG-MUSUQ-MAASUQ)-G/Miyaha G/Banaadir-Mr-Taabit-Cabdi Oo Durba Musuq-Maasuq-Billaabay!!…& Qalab Dowladda-Turkiga…Warbixin & Sawirro

Waxaa Qoray on Jul 10th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:-(Allkisima)-G/miyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Axmed ayaa qalab iyo warshad dhismaha ah oo dowladda hoose ee Turkiga ugu deeqday maamulka gobolka si hoose ugu wareejiyay shirkad gaar loo leeyahay.

Taabit Cabdi ayaa heshiis hoose la galay shirkadda ay leeyihiin reer Abuukar Cumar Caddaani, waxayna dhan yihiin qalabka lagu wareejiyay in ka badan 50 gaadiidka dhismaha, warshad dhawaan Turkiga ugu deeqay dowladda hoose ee Xamar iyo qalab kale fara badan.

Heshiiska hoose ee guddoomiye Taabit uu la galay madaxa shirkadda Kulmiye ee qaabilsan dhismaha, C/qaadir Cumar Caddaan, kuna shaqeyn doonto, heshiiskana wuxuu dhigayaa in khidmad joogto ah oo aan la ogeyn cadadkeeda.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn ugu carooday shirkaddaha kale ee dhismaha oo aad u doonayay in ay helaan qalabkaan, hase ahaatee Guddoomiye Taabit ayaa waxaa lagu eedeeyay in heshiiskaani aysan meesha ka marneyn masuq-maasuq halka ay aheyd in uu qabto tartan shirkaddaha dhan ka qeyb galaan.

Ugu dambeyntiina madaxa shirkaddaan oo uu dhalay Abuukar Cumar Caddaan ayaa horay xiriir wanaagsan la lahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana la og yahay in Yuusuf Boorsaani uu ku wareejiyay C/qaadir Cumar Caddaan iyo ganacsato uu ka mid ahaa guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire inuu ka iibiyay dhulkii Terabuunka ee dowladdu laheyd.

Allkisima News Desk 

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)