CIRAAQ-Dowladda Ciraaq Oo Si Buuxda Ula-Wareegtay Magaalada Mosul Iyo Kooxda-Khillafada Islaamka (Daacish)-Oo!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 9th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Baqdaad🙁Allkisima)-Wararka Ka Imaanaya Magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq Ayaa sheegaya in Kooxda Daacish Si buuxda looga saaray magaalada Mosul oo ah magaalada labaad Ee ugu weyn dalkaasi Ciraaq, ka-dib dagaallo iyo duqeymo Muddo 9-bilood ah ka socday.

Ciidamada Ciraaq ayaa bilaabay inay ku dabbaal degaan waddooyinka, ka-dib markii ay soo afjareen dagaalkii u dambeeyay ee Daacish looga saaray qeybtii u dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Mosul.

Dhanka kale Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegeysa in ciidamada Ciraaq ay ku guuleystaan in magaalada ka sifeeyaan Kooxda Daacish oo magaaladaas qabsatay sanadkii 2014-tii.

Dhinaca kale Dagaaladii cuslaa iyo duqeymo ay geysanayeen diyaardaha dagaalka ee xulafada uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa bur bur lixaad leh u geystay magaalada, iyadoo ay bur bureen dhamaan dhismayaashii.

Ugu dambeyntiina Waxaa xusid mudan in Magaalad Mosul ay aheyd magaaladii u dambeysay ee Daacish ka maamulaan dalka Ciraaq,waxayna tani soo afjareysa dhaq-dhaqaaqoodii dalkaas, hase Ahaatee weli waxaa ay ku xooggan yihiin qeybo ka mid ah iyo gudaha dalka Suuriya oo deris la ah Ciraaq.

Allkisima News Desk

diiwaanka Wararka

Xafiiska/NBI.

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)