HIIRAAN-Ciidamo ka Tirsan DF-SOMALIA Oo Gaadmo Lagu Dilay!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 9th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Beledweyne🙁Allkisima)-Wararka ka imaanaya Degmada beledweyne ayaa sheegaya in malleeshiyada Al-shabaab ay gaadmo ku dileen ciidamo ka tirsan DF-SOMALIA oo tiro ahaan lagu sheegay In ay gaarayaan illaa affar Askari,aga-gaarka degmada halgan ee Gobolkaasi hiiraan

Ciidamada ayaa lagu dilay Meel ka baxsan degmada Halgan oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Milatariga SOMALIA iyo kuwa AMISOM.xilli Ciidamada la dilay ay doonayeen in ay Weeraraan Al-shabaab oo aagaas lagu sheegay.

Arrintaan ayaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Halgan ,waxaana ay sheegeen in shabaabka ay xeelad isticmaaleen.

Ugu dambeyntiina Malleeshiyada Al-shabaab ayaa billaabay dhowaanahan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Qeybo ka mida Gobolkaasi hiiraan Ee Bartamaha SOMALIA.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

 

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)