SOM-M/weynaha SOMALIA Dr:-Max’ed C/llahi max’ed Farmaajo-Oo Furay Kala-Fadhigii Labaad Ee-B/lamaanka SOMALIA…Warbixin-Iyo Sawirro….

Waxaa Qoray on Jul 8th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:-(Allkisima)-Kala-fadhigii labaad ee B/Lamaanka SOMALIA ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay M/weynaha DF-SOMALIA Dr:-Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Furitaanka kala-fadhigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb galay madaxda dowlad goboleedyada dalka qaarkood xubno ka tirsan beesha caalamka, maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Waxaaa kulankaan ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo sheegay in kalfadhigan labaad ay hor yaalaan ajendayaal muhiim ah oo uu ka mid yahay wax ka bedelka iyo qabyo tirka dastuurka Somalia.

Dhanka kale Hoggsaamiya-yaasha Gobollada Dalka Sida-C/wali Gaas, Axmed Madoobe, & Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa iyana khudbado ka jeediyey furitaanka kala-fadhigan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa hoggaamiya-yaashii khudbadaha ka jeediyey furitaanka kala-fadhigan ayaa ka codsaday xildhibaanada Blamanka in la caddeeyo Maqaamka Muqdisho.

Waxaa kale oo xusid mudan in khudbadihii maanta uu M/weyne farmaajo ay ku jirtay waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo xilligan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladu ku guuleysatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xakameynta hubka sharci darada ah ee shacabka lagu dhibaateyn jiray, joogteynta mushaharka ciidamada, shaqaalaha iyo hey’adaha dowladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay iney jiraan caqabado hor taagan balan-qaadyo badan oo aan u qabsoomin, kuwaasoo uu sheegay iney u baahan yihiin dedaal iyo iskaashi ballaaran si looga gun gaaro.

Ugu dambeyntiina khudbaddii  M/weynaha ayaa loo ga dha-dhansaday  arrimo badan oo khuseeya gudaha dalka iyo xiriirka caalamiga ah mid bannaanka la soo dhigay & mid dahsoonba.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)