KENYA-DEG-DEG-Wasiirka Arrimaha Gudaha-Dalka kiinya General Joseph Nkaissery Oo Ku-Geeriyooday (Karen Hospital-Nairobi)…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 8th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nairobi:-(Allkisima)-Sida ay goor-dhoweyd baahiyeen warbaahinta dalkani Kiinya, wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, ayaa xalay Geeriyooday.

Wasiirka oo shalay ka qeyb-galay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park, ayaa xalay ku geeriyooday Karen Hospital,kadib markii uu isku sameeyay Baaritaan guud (Check-up).

Ilo ku dhow dhow wasiirka Geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mr Nkaissery uu xalay abaaro 3pm aaday Isbitaalka Karen si uu isugu soo sameeyo baaritaan guud.

“Xaqiiqdii wuxuu u muuqday mid aad u caafimaad qaba, laakiin wuxuu ii sheegay inuu aadayo Isbitaalka si uu baaritaan guud isugu soo sameeyo” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka sida aadka ah ugu dhawaa wasiirka.

Meydka wasiirka ayaa waxaa hada la geeyay “Lee Funeral Home” halkaasoo lagu wado in lagu sameeyo baaritaano caafimaad, si loo ogaado waxa sababay Geeridiisa.

Ugu dambeyntiina M/weyne Uhuro Kenyatta ayaa Nkaissery u magacaabay wasiirka amniga Kiinya taariikhdu markeey ahayd  FEB-2, 2014, waxaana uu badalay Joseph Ole Lenku,oo awood u yeelan waayey in uu wado.

Allkisima News desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/NBI.

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)