USA-Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay In Ay-Weerari Doonto Dowladda Ninka Da’da YAR-Uu-Hoggaaminayo Ee Kuuriyada Waqooyi!!…Warbixin….

Waxaa Qoray on Jul 6th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Washington:-(Allkisima)-Mareykanka ayaa sheegay in uu awood milatari u adeegsan doono Kuuriyada Woqooyi haddii ay arrintaasi lagama maarmaan noqoto. Hadalkaasi ayaa yimid ka-dib markii Kuuriyada Woqooyi ay Maalintii arbacadii tijaabisay mid ka mid ah gantaaladeeda riddada dheer.

Kuuriyada Woqooyi ayaa loo yaabaa in ay wajahdo Xaalad dagaal taas oo ka dhalan doonto tijaabinta dhinaca hubka oo ay wado taas oo ay ka caroodeen wadamada Awooda leh ee ugu horeeyo Mareykanka.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaasi Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hubka riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha ay ka dhigan tahay daandaansi milatari.

                                                                                                                                                    Sidoo kale Nikki Haley waxa ay sheegtay in arrintaasi ay muujineyso in dunidu ay qarka u saaran tahay colaad, waxayna intaasi ku dartay in qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang la soo hordhigi doono Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Nikki Haley ayaa ku hanjabtay in Mareykanka uu xayiraado dhanka ganacsiga ah saari doono waddamada ganacsiga la leh Kuuriyada Woqooyi.

Sidoo kale waxa ay carrabka ku dhufatay in haatan loo baahan yahay in dalkaasi laga qaado tallaabooyin dheeraad ah maadaama ay miro dhal noqon waayeen xayiraadihii caalamiga ahaa ee muddo saarnaa Kuuriyada Woqooyi.

Dhinaca kale, dhiggeeda Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu uu tallaabada Kuuriyada Woqooyi u arko mid aan loo dul qaadan karin basle waxa uu ku baaqay in xiisadda la dejiyo oo la wada hadlo.

Ugu dambeyntiina waxaa la rumeysanyahay in safiirka shiinaha u fadhiya qaramada midoobay uu ku celiyay baaqii  hore ee wada jirka ay u soo jeediyeen waddamada Shiinaha iyo Ruushka ee- Ahaa in Mareykanku uu ka laabto qorshahiisa uu ku doonayo in hannaanka difaaca gantaalada uu ku rakibo dalka Kuuriyada Koonfureed isla-markaana uu hakiyo dhoolatuska millatari ee uu ka Sameynayo meel u dhow Kuuriyada Woqooyi.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Kampala…Xigasho AP.

Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)