SOM-K/GALBEED-Abuu Rooboow-Mansuur Oo 5-Qodob Ku XiRay DF-SOMALIA??.. Inta Uusan Is-dhiibin!…Maxay Yihiin Qodobbada!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 6th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho🙁Allkisima)-Hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee maleeshiyada Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa weli wadahadal kula jira Dowlada Federaalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Roobow ayaa ku adkeysanaaya inay ka go’an tahay isu-dhiibida DF-SOMALIA balse waxa uu taa beddelkeeda baadi goob ugu jiraa cidda la fahmi laheyd Shuruudaha uu doonaayo in loo aqbalo.

Roobow ayaa sheegay inuu gali doono gacanta dowladda haddii la meelmariyo shantaan Qodob ee Hoos Ku Xusan:-

1: In si madax-banaani ah uu ugu dhex noolaan karo meesha uu doono, oo Somalia ah, haddii uu is-dhiibo.

2:  Inaan loo gacan galin doonin Sirdoonka heerka caalami ee ku dhaqan Somalia iyo guud ahaan kuwa kale.

3: Inaan lagu khasbi karin in lala sameeyo wareysiyo, isagoo laga raadinaayo macluumaad ku saaban dhinacyada ay wada shaqeeyan ama soo wada shaqeeyen.

4: Inaan lala maamuli doonin Ilaalada uu iminka heysto, isla markaana loo aqoonsan doono kuwo lamid ah ciidamada dowlad, iyadoo laga diiwaan galinaayo xarumaha ciidamada.

5: Inaan laga dalban doonin wada shaqeyn mid Qaran iyo mid Sirdoon.

Dhanka kale Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur)-ayaa tilmaamay inuu rumeysan yahay Qaran mideeya Umadda Soomaaliyeed, balse uu aad uga soo horjeedo in la dhalanrogo wixii khuseeya diinta Islaamka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee Abuu Rooboow Mansuur ayaa 5taas qodob ku Xiray DFS iyo Xubno Beesha Caalamka ka tirsan, waxa uuna iminka yahay mid sugaaya Jawaab.

Allkisima news Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)