SOM-Shirka Golaha Amniga-Qaranka Oo Muqdisho Ka-Furmay-Iyo M/Weynaha SOMALIA Oo-Furay!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Jul 5th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho🙁Allkisima)M/weynaha DF-SOMLIA Dr:-Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shir gudoomiyey maanta kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Amniga qaranka ee SOMALIA,waxaana kulanka maanta uu u furmay madaxda M/Goboleedyada dalka iyo DF-SOMALIA.

Ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirkan uu soconayo labo cisho, waxaana looga hadlayaa arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo dhismaha ciidamo isku Dhaf ah oo tiradooda gaareyso 18 kun oo askari.

Dhanka kale hoggaamiya-yaasha M/goboleedyada dalka ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, iyadoo qaarkood ay horay ugu sugnaayeen.

Dhinaca kale Golaha Amniga Qaranka ayaa lagu dhisay shirkii bishii April ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay yeesheen Madaxda DF-& kuwa M/oboleedyada.

Ugu dambeyntiina kulanka marka uu dhammaado ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku xusan waxyaabihii looga hadlay waxaana hada banaanka ka jooga Warbaahinta dalka.

Allkisima News Desk

Diiwaanka Wararka

Xafiiska/Muqdisho.

Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)