KENYA-G/MIYHA B/Lamaanka-SOMALIA Mr-Jawaari Oo Nairobi-Yimi & Farriin La Sheegay In Uu Ka-Siday M/weyne Farmaajo & Kulan-Uu La Yeeshay!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on May 17th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Jawaari-Oo Nairobi Soo Ggaaray-1-jpg.

Nairobi:_(Allkisima)-Waxaa Magaalada Nairobi Soo gaaray G/Miyaha B/Lamaanka Somalia waxaa la sheegay in farriin uu ka siday M/weynaha Somalia mr-Farmaajo.

Dhanka kale wararku waxa ay tibaaxayaan  in saacadihii lasoo dhaafay uu kulamo xasaasi ah la yeeshay xildhibaanadii sameystay Madasha Horu-socod,oo ay ku jiraan Shakhsiyaad caan ku ah waddaniyad xumo iyo tuugannimo sida geedi & Xiddig qaxooti.

In kastoo saffar jawaari uu ku yimi Magaalada nairobi ayasan haddana la xaqiijin weli arrimaha uu u yimi nairobi,waloow la sheegay in-ragga mucaaradka ah uu farrin uga waday dowladda uu hoggaanka ka yahay mr-farmaajo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadan usocda Jawaari iyo Xildhibaanada looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa khilaaf soo kala dhex-gala barlamaanka iyo dowladda.

Afhayeenka B/lamaanka ayaa usheegay xildhibaanadii uu la kulmay inuu ka socdo dhanka M/weyne FARMAAJO isla- markaana uu doonayo in xal laga gaaro khilaafkan cusub.

Haddaba Markii ay kulmeen mr-jawaari  iyo xildhibaanada, waxaa uu sheegay in M/weynaha uu diyaar uyahay inuu la fadhiisto xildhibaanada si xal loo gaaro” sidaas waxaa sheegay xubin katirsan dadka ka agdhow xildhibaanadii ku bahoobay waxa ay ugu yeereen Horu-socod.

Dhinaca kale Mr-Jawaari ayaa laga soo xigtay inuu Xildhibaanada ku yiri “Waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan tallaabadan, oo aad la kulantaan madaxweynaha si xal loo gaaro”

Waxaa xusid mudan oo mucaaradku u sheegeen gudoomiyaha B/lamaanka ineysan wadin wax dhibaato ah laakiin qorshahooda uu yahay in si dhab ah loola xisaabtamo dowladda.

Arrintu Si kastaba ha ahaatee Gudoomiye Jawaari ayaa inta uu Nairobi ku sugan yahay la kulmi doona madaxda dalka Kiinya, waxaana uu kala hadli doonaa hormarinta B/Lamaanka SOMALIA.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)