USA-M/weynaha Dalka Turkiga Oo Gaaray-Dalka Mareykanka Iyo Kulamo Uu La Qaatay-M/weyne TRUMP & Wada-Hadalkooda Oo…Warbixin Iyo Sawirro…

Waxaa Qoray on May 17th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Foto-file FR-CNN-Mr-Erdogan Oo Gaaray Mareykanka-1-JPG.

Washington:-(Allkisima)-M/weynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi kusoo dhaweeyay M/weynaha dalka Turkiga Erdogan oo booqasho ku tagay ee  dalkaasi.

Labada M/weyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ugu horreeyaan xoojina xariirka labada dal iyo sidii a isaga- Kaashan lahaaeen la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada bariga dhaxe.

Dhanka kale M/weynaha Turkiga ayaa u shegay Donald Trump sida ay uga soo horjeedo dowladiisa in ay hubeeso dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Ciraaq iyo Siiriya ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.

Sidoo kale Mr-Erdogan oo ka hadlay shir jaraa’id ay wada qabteen dhigiisa Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba- Aqbali doonin wada-shaqeynta lala yeesho malleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ee dagaalka kula jirta Daacish.

Dhinaca dowladda Turkiga ayaa aaminsan Kooxda Kurdiyiinta ee YPG ee hubeeneysa dowladda Turkiga in ay yihiin farac ka baxay Kooxda PKK ee dagaalka kula jirto dowladda Trukiga, waxa uuna M/weyne Erdogan uga digay Mareykanka in ay hubeeyaan kooxdaasi.

Ugu dameyntiina dowlada Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaadday  in uu hubeynayo maleeshiyaadka kurdiiinta ee YPG oo ay sheegay- In ay yihiin kooxda kaliya ee dowladda Islaamka Daacish ka qabsan kara magaalada Raqa ee dalka Siiriya iyo magalaooyin kaleba.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)