SOM-Qarax Xooggan Oo Guud-Ahaan Muqdisho Laga Maqlay Iyo-warar Is-khilaafsan Oo Ka Soo-Baxaya!…warbixin…

Waxaa Qoray on May 15th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qarax Xooggan Oo Guud Ahaan Muqdisho Laga Maqlay Iyo Dhaawac-1-JPG.

Muqdisho:-(Allkisima)-Qarax aad Looga Malay guud Ahssn Muqdisho, ayaa goor dhow ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan la soo sheegayo in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaar ka mid ah shacabka muqdisho ayaa soo sheegaya in qaraxu uu ka dhashay gaari la soo dhigay afaafka hore ee rugta caafimaad oo ku taala ka soo horjeedka Gurigii Hooyooyinka.

Waxaa soo baxaya warar is-khilaafsan oo sheegaya in ciidamada ammaanku ay ku daba jooggeen gaarigan, oo noociisu uu yahay kuwo raaxada.

Goob-joogayaal kalena waxa ay sheegeen in tiro dad ahi ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, loona qaaday goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina Ciidamada ammaanka oo hadda ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana ay ka bilaabeen baaritaano ku aadan.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)