North Korea-Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay-Gantaal Cusub Iyo Marekanka Iyo Japan….Oo-Warbixin & Hal Sawir…

Waxaa Qoray on May 15th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Pyongyang🙁Allkisima)-Dawladda Kuuriyada Waaqooyi ayaa sheegtay in gantaalkii ay tijaabisay Axaddii uu ahaa nooc cusub oo awood u leh in uu xambaaro madax weyn oo nukliyeerka Ah.

Gantaalkan ayaa sare u kacay 2,000km kuna dhacay meel 700 oo mitir u jirta oo ka mid ah galbeedka badda Japan.

M/weynaha dhallinta yar ee kuuriyada Waqooyi oo tilmaan ka bixinya Habka uu u kacay gantalka Cusub Ee La Tijaabiyey-Axaddii Shalay-1-JPG.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniintan sheegtay in ay ahayd tijaabo ay ku samaynayeen awoodda gantaal cusub oo ay dhawaan sameeyeen.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in uusan wali xaqiijin karin sheegashada Waqooyiga.

Laakiin milatarigu wuxuu intaas ku daray in gantaallada Waqooyigu ay u muuqdaan in ay ka baxeen hawada dhulka ku xeeran oo ayna haddana ku soo noqdeen taas oo muhiim u ah horumarinta gantaallo riddo dheer oo isaga kala goosha qaarad ka qaarad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Waxaa xusid mudan in Kuuriyada Waqooyi ay  sanadkan ku cel-celisay tijaabooyin ay ku samaysay gantaallo dhamaantoodse ma ahayn kuwo lagu guulaystay, laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwo xadgudub ku ah cunaqabatayntii ay Qaramada Midoobay saartay.

Arrintaas ayaa dereen ka abuurtay caalamka, xiisadna kala dhex dhigtay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Ugu dambeyntiin waxaa xusid mudan in Marykanka iyo Japan ay  ku dhawaaqeen in maalinta berri ah ee Talaadada- Ka-Yeesho kulan deg-Deg ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafriiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)