KHADAR-R/wasaaraha X.F.SOMALIA Mr-Xassan Cali kheyre Oo Sii Diirran Loogu Soo Dhoweeyey Caasimadda Dooxa-Warbixin Iyo Sawirro…

Waxaa Qoray on May 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-R/wasaare Kheyre Oo Gaaray Magaalada Caasimadda Ah Ee Dooxa-1-JPG.

Doxa:(Allkisima)-R/Wasaaraha X.F.SOMALIA Dr:-Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Khadar halkaasoo uu uga qeyb galayo shira Doxa Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Doxa.

Wafdiga R/Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Hamad International Air Port, mas’uuuliyiin ka tirsan dowladda Khadar.

Dhanka kale R/Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu nabad tagay Doxa, isagoo xusay in kulamo muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha SOMALIA uu  la yeelan doono madax kala duwan ee dalkaas.

Allkisima_Phot's-R/wasaare Kheyre Oo Gaaray Magaalada Caasimadda Ah Ee Dooxa-2-JPG.

Dhinaca kale Shirka Doxa Forum oo ah mid sanadle ah oo ay ka qeyb galaan siyaasiyiin, aqoonyahano iyo madax kala duwan ayaa sanadkan waxaa looga hadli doonaa dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo arrimaha qaxootiga.

Ugu dambeyntiina waxaa xusid mudan in R/wasaare Kheyre uu saffarkan uyahay kii ugu horeeyay oo uu dalka uga boxo tan iyo intii Loo Magacaabay Xilka R/Wasaaraha SOMALIA.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararkqa
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)