Egypt+Somalia-Farriin Culus Oo-M/weyne Farmaajo-Uga Timi-M/weynaha Dalka Masar-General-Al-siisi-Iyo-Jawaab Deg-Deg Ah Oo-Uu Ka Bixiyey President-Farmaajo-Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on May 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qaahira:-(Allkisima)-M/weynaha DF-SOMALIA Dr:-Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa Aqbalay Codsi uga yimid M/weynaha Dalka Masar Abdifitaaax- Al-Siisi.

Codsiga M/weyne Siisi ayaa waxaa uu ku saabsan yahay in M/weyne Farmaajo uu booqasho ku tago dalka Masar si looga wada hadlo Xiriirka labada dal ee Masar iyo Somalia.

Dhanka kale R/wasaaraha Dalka Masar Sharif Ismail oo ka qeyb galayay Shirka London ee looga hadlayay arrimaha SOMALIA ayaa sheegay in m/weyanah SOMALIA uu aqbalay Casuumadda M/weyne Al-Siisi.

Dhinaca Kale dowladda C/ftaax Al-siisi uu hoggaamiyo xilligan ee dalka Masar ayaa ka ballan qaadday in ay ka-taageeri doonto Dowladda Federaalka arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta deegaan nadiif ah waxaa sidoo kale Masar dadka soomaaliyeed ay gacan ku siin doonto sidii barwaaqo ay ku gaari lahaayeen.

Ugu dambeyntiina dowladda Masar ayaa lagu tuhunsanyahay in ay ka carootay saldhiggii millateri ay u diidday dowladda masar dowladda SOMALIA,bishii la soo dhaafay.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)