SOM-Dowladda Mareykanka Oo-Muqdisho Keentay-Diyaaradaha-Dagaalka 24kii Saac Ee La Soo-Dhaafay-Nooca Diyaaradaha Iyo-Tiradooda…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on May 13th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

SOM-Diyaaradah dagaalka Mareykanka oo toos u-weerari Doona Malleeshiyaadka-Al-shabaab-1-JPG.

Muqdisho:-(Allkisima)-Dowladda Maraykanka ayaa magaalada Muqdisho waxa ay keentay diyaaradihii loogu talo-galay in lagula dagaallamo  Malleesahiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo laga soo dejiyey  dugsigii Xalane.

Waxaa illaa iyo hadda la ogyahay in tiro ahaaN diyaaradaha ay gaarayaan 12 diyaaradood oo 5 ay ka mid ah ay miig yihiin, 7-dana Helicopterro yihin oo xalane laga soo dejiyey waxaana ay ka mid noqon doonaan howl-galka al-shbaab -Lagula dsagaallamayo.

Sidoo kale wuxuu Mareykanka soo kordhin doonaa maalmaha soo aaddan ciidamadiisa ka jooga SOMALLA , gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Diyaradahan ayaa caawini doona ciidamada SOMALIA iyo kuwa Mareykanka, waxaana ay ka howl-geli doonaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ugu dambeyntiina Arrintan keenista diyaaradaha ayaa u muuqata mid looga jawaabayo dilkii loo geystay mid ka mid ah ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u taba-baran.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)