UK-M/weyne Farmaajo Arrin Uu-Ka Codsaday Xog-hayaha G/Dhigga-Mareykanka Oo Aad Loo Hadal-Hayo? Maxay Tahay?…Ogoow…

Waxaa Qoray on May 12th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-Xog-Hayaha G/Dhigga Mareykanka & M/weyne Farmaajo-1-JPG.

London🙁Allkisima)-M/weynaha DF-SOMALIA Dr-Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Xog-hyaha G/dhigga Mareykanka M-Jim Mattis,waxaana la sheegay in  ay ka wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dhismaha Ciidamada SOMALIA.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee arrimaha ciidamada, qalabeynta, iyo sidii Al-Shababa looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.

Dhanka Kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shalay khudbad ka jeediyay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha Amniga Qaranka

Dhinaca kale Mr-Jim Mattis ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inuu Mareykanka sii xoojinayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in bishii hore ay aheyd markii Mareykanka Ciidamo uu u soo diray SOMALIA , kuwaasoo tababaro siinaya Ciidamada SOMALIA iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyntiina waxaa xusid mudan in todobaadkii hore askari mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran lagu dilay howl-gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska SOMALIA kuwaasoo weerar ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka SH/Hoose.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)