KENYA-Xerada Qaxootiga Dha-dhaab Oo Uu Daad-Qaaday Iyo-Caarruurtii Oo Bad-Baado Looga-Dhigay-Saqafka Sare Ee Guryaha!-Warbixin…

Waxaa Qoray on May 10th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Xagar-dheer:-(Allkisima)-Xerada Dhadhaab ee  ku taal Waqooyi Bari Kiinya ayaa waxaa ka da’ay Roob saameyn badan ku yeeshay dadka ku Nool halkaas.

Dadkan oo dhamantood Qaxooti ku ah Xeradaas ayaa hadda waxaa ay wajahayaan xaalad adag oo ay ugu horreyso halkii ay ka heli-lahaayeen Roobka ka da’aya goobo ay kaga bad-baadaan.

Roobka ka da’ay Dhadhaab waxaa uu sababay Daad farabadan,kaas oo meelaha qaar ay dadkii ka barakaceen iyaga oo raadsaday meelo dhaanta.

Xerada Dhadhaab guryaha qaar ee ka sameysan Jiingadaha ayaa waxaa dhulkii buuxiyay biyaha Roobka ka dhasha ee Daadka loo yaqaan.

Ugu dambeyntiina Sawirro laga soo qaaday ayaa muunjinaya Carruur saaran guryaha Saqafkooda kore  oo ka cararay Daadka dhulka ka buuxa,kuwaas oo liqaya Ciyaalka haddii ay dhulka u degaan,waxaase dhibka ugu weyn sii jirayaa marka iyaga oo Guriga korka ka saaran uu Roob ugu darmo,oo haddana ay habeen ku noqoto.

Allkisima News  Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)