SOM-R/Wasaaraha SOMALIA Oo-Markii Ugu Horreysay Saffar Uga-Baxaya 13ka MAY Dalka Waa-Halkee?…Warbixin…

Waxaa Qoray on May 10th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

R/Wasaare Kheyre Oo Tagaya Dalka Khadar-1-JPG.

Muqdisho:-(Allkisima)-R/Wasaaraha SOMALIA Dr:-Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda safarkii u horeeyay ee dibadda ah uu ugu ambabaxo dalka Qadar, tan iyo markii xilka loo magacaabay dhamaadkii bishii February ee sanadkan.

R/Wasaaraha ayaa lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha sida ay shabakaddan (Allkisima)- u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow-dhow xafiiska Kheyre.

R/Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu Khadar u ambabaxo 13-ka bishan, sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada.

Shirkan oo socon doona 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga.

Dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibadda Khadar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.

Dhinaca Kale R/Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inta uu joogo Qadar inuu la kulmo Madax kala duwan iyo hey’ado caalami ah, isagoo kala hadlaya arrimaha SOMALIA.

Ugu dambeyntiina tagitaanka Qatar ee R/Wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya, xilli Film Documentry oo dhowaan la soo bandhigay uu muujinayo in Qadar ay bixin doonto darbiga weyn ee laga dhisayo xuduuda Mexico iyo Mareykanka, iyadoo dhaqaalaha ay ku bixi doonto ka heli doonto shidaalka Soomaaliya.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)