SOM-K/GALBEED-Dagaal Dhex-Maray Al-shabaab & Ciidamada-Maamulka K/Galbeed Iyo Kuwa-Dowladda Federaalka-Oo Isku-dhinaca Ah Iyo Khasaaraha!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on May 9th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

BaydhaboūüôĀAllkisma)-Ururka Al-shabaab aya barqo nimadii weerar xoogan ku qaaday fariisin ciidamada Xooga dlka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lahaayihiin deegaanka Goof gaduud oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaal xooggan oo saacado socday ayaa  ku dhexmaray deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay  kaas oo la sheegayo inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana dadka deegaanka ay sheegayaain dagaalkii maanta uu ahaa mid aan waxba la isku reeban .

Ciidamo  gurmad ahaa oo kasoo baxay magaalada Baydhabo kuna sii jiiday GoofGaduud ayaa qarax miino oo wadada loo dhigay  waxaa ku geeriyooday 6 ka mid ah ciidamadii  gurmadka ahaa ee Baydhabo ku wajahnaa.

Khasaaraha  dagaalkii maanta ayaa la sheegayaa inuu gaarayo geerida  12 qof iyo dhawaawaca 15-kale oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana dhawacyadii dagaalkaas kasoo gaaray ciidamada dowlada loo soo qaaday Magaaada Baydhabo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Goofgaduud  ay la wareegeen sidoo kalana ay dagaalkii maanta ku qabsadeen labo gaari oo cabdi bile ah Hub iyo saanad dagaal sidoo kalana ay gubeen gaari kale oo Cabdi Bile ah .

Saraakiisha ciidamada DF-SOMALIA  iyo kuwa Koonfur Galbeed ee gobolka Baay ayaa beeniyay inay Al-shabaab la wareeegeen Goof gaduud waxaana ay sheegeen in deegaanaas ay gacanta ku hayaan.

Arrintu Si Kastaba Ha ahaatee deegaanka Goof-gaduud  ay maanta ku dagaalameen Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa wali xaalkeeda wuxuu yahay mid kacsan , waxaan ka jira xiisad dagaal iyo isku hub aruursi, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay marar badan deegaankaas weerar kusoo qaadeen.

Allkisima news Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)