INDONESIA-Ninkii Ugu Da’da-Weynaa-Adduunka Oo Geeriyooday Waxaana Da’diisa-Lagu Sheegay!!…Warbixin & Sawirro…

Waxaa Qoray Admin on May 1st, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Mbah-Gotho-Oo Ku Geeriyooday Dalkiisa hooyo-1-JPG.

Jakkarta:-(Allkisima)-Nin u dhashay dalka Indonesia oo sheegtay inuu yahay Ninka ugu da’da weyn Caalamka ayaa geeriyooday, isagoo 146-jir ah.

Mbah Gotho oo ahaa Awoowihii ugu sii weynaa oo ka soo jeeda Bartamaha Jesiiradda Java waxaana la joogay 4 xaas iyo 10 walaalihiisa iyo dhamaan carruurtiisa.

Bishii hore ee April 12-dii ayaa la dhigay Isbitaalka, balse 6 maalmood kadib ayuu geeriyoody, isgoo diiday inuu wax cuno am cabo.

Odaygaasi wax uu noqday sannadkii hore mid lagu soo qaatay Wararka ugu horreeya Caalamka, ka-dib, markii uu soo bandhigay Dukumenti muujinayo inuu dhashay bishii December ee sannadkii 1870-kii.

Saraakiisha dalka Indonesia waxay xaqiijiyeen in Waraaqahiisa Dhalashadda ahaayeen kuwo sax ahaa oo aan la farsameyn

Qofka ugu da’da weynayd Caalamka ayaa ahayd Haween ka soo jeeda dalka Faransiiska oo la oran jirey Jeanne.Calment, taasi oo ku geeriyootay da’da 122-ka.

Ugu dambeyntiina Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u hadal heysa geerida awoowaha dunida ugu weynaa ee u dhashay Indonesia.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)