SAUDI ARABIA-Hoggaamiyaha Dalka Jarmalka-Oo Jebisay Mid Ka Mid Ah Sharciyada-Sacuudiga & Kulan Ay la Qaadatay Boqorka-Dalkaas!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on May 1st, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Jiddah:-(Allkisima)-)-Boqortooyada Dalka Suciidiga sharciyada u yaalla waxaa ka mid ah in Haweenka aysan Tinta Madax ku baneysan karin goobaha Fagaaraha .

Balse qodobkaas sida sharciga ah ugu yaala Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa jabisay Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel.

Angela Merkel ayaa diiday inay fuliso sharciyada iyadoo kula kulantay Magaalada Jeddah boqorka Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Angela Merkel ayaa noqotay hoggaamiyihii ka socda dal ku yaal Yurubta Galbeed oo jebisa sharciyagaas.

Dhinaca kale R/wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May iyo Michelle Obama ayaa ka mid ahaa haweenkii hore u diiday inay xirtaan xijaab madaxana dabooshaan marka ay booqasho ku tagaan dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Ugu dambeyntiina waxaa xusid mudan in Ms Angela Merkel ay ka mid tahay hoggaamiya-yaasha caalamka ee aaminsan in la mamnuuco gebi ahaanba in haweenka ay indho shareer xirtaan.

Allkisima news Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)