UK-Xaaska M/weynaha Dalka Siiriya Oo-Dhalashadii Ingiriiska Laga-la Noqday KA-DIB-Markii!!…Warbixin & Sawirro…

Waxaa Qoray Admin on Apr 29th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

XAASKII Bashaaral-Asad Oo Lagala Noqday Dhalashadii Dalka Ingiriiska-1-JPG.

London:-(Allkisima)-Xaaska M/weynaha dalka Siiriya Asma Fauaz Al Akhraz ayaa lagala noqday dhalashadii dalka Ingiriiska ka-dib markii sidala sheegay lagu hela inay si sarbeeb ah ugu hiilisay Seygeeda  M/weyne Bishaar Al Asad.

Foto-File From-Daily Mail-Syrian President Bashar al-Assad (R) speaking next to his wife Asma in the capital Damascus on March 21, 2016-2-JPG.

Mrs-Asma ayaa heysatay sharciga ama dhalashadadalka Ingriiska waxana dowladadalkaas ay ku eedeysay inay la safatay Madaxweynaha Siiriya Bishaar Al-Asad oo la sheegay inuu tacadiyo dagaal ka sameeyay gudaha dalka Siiriya.

Mrs-Asma Fauaz Al Akhraz iyo M/weyne Asadka Siiriya ayaa is guursaday sanadkii 2000-kii , waxeeyna u dhashay 3 Caruur ah, lamaanahan ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyo xariir aad u qoto dheer.

Dhanka Kale waxaa la wada-ogsoonyahay in M/weynaha dalka Siiriya Mr-Asad in muddo todobo sano ah uu dagaal kula jiro mucaaradka dowlddda dalkiisa,waxaana mucaaradka ka sii awood badan ururka daacish oo qeybo dalkaas ka mid ah gacanta ku haya.

Ugu dambeyntiina reer galbeedka ayaa dedaal xooggan ugu jira sidii Al Asad ay ugu cadaadin lahaayeen inuu xilkaas ka dego waxaana ay ku eedeynayaan xasuuq bini’aadanimo , inkastoo taageero buuxdo uu ka heysto wadanka Ruushka.

Allkisima news Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI…
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)