Afganistan-Madaxdii Ugu Sarreysay-Wasaaradda G/Dhigga Is-Casishay!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Apr 25th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kabul:-(Allkisima)-Wasiirkii G/dhigga iyo madaxii ciidamada Afghanistan ayaa labadaba is-casilay kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidan, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 140 askari, tiro kale oo badanna lagu dhaawacay.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo lala beegsaday qeybta 209-aad ee Shaheen ee ciidamada Afghanistan, kana dhacay magaalada waqooyi ee Mazar-e-Sharif.

Dhanka kale hadal kooban oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweyne Ashraf Ghani ayaa lagu yiri “Wasiirka gaashaandhigga Abdullahi Habibi iyo madaxii ciidamada Qadam Shah Shahim ayaa si deg deg ah isku casilay, madaxweynuhuna wuxuu aqbalay is-casilaadooda”.

Dhinaca kale Saraakiisha Afghanistan iyo goob-joogeyaal ayaa sheegay in koox ka kooban toban qof oo si xooggan u hubeysan, qaarkoodna is-miidaamiyeyayaal ahaayeen  ay fuliyeen xasuuqii dhacay jimcihii, markaasi oo ay beegsadeen boqolaal ciidan oo ka baxayey salaad ay ku tukanayeen masjid ku dhex yaalla xerada ciidan.

Arrintu Si Kastaba ha Ahaatee mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa illaa iyo hadda diiddan inay xaqiijiyaan tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Allkisima news Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/NBI.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)