SOM-(Wax Ka Ogoow)-Dowladda F-SOMALIA-Iyo Maamulayaasha-Gobollada Dalka Qaar Iyo Sida Ay-Uga Qeyb-Galayaan Tira Ahaan-Shirka-LONDON!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 20th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-Maamulayaasha Gobollada Dalka & M/weyne Farmaajo-1-JPG.

Muqdisho🙁Allkisima)-Waxaa Mar Aan fogeyn La Rajeynayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimo Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

M/weynaha SOMALIA dR:-Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa Maamulayaasha Maamul Goboleedyada shir kula yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan Somalia oo ay ka mid ahaayeen  sida loo Sugayo amniga iyo ciidamada Somaalia loo qorayo.

Qodobka kale ee muhiimka ah oo ay dowladda iyo Maamulayaasha  Gobollada oo ay  kawada hadleen ayaa wuxuu ahaa shirka London ka furmaya, waxayna dowladda SOMALIA, Maamulayaasha Gobollada ku qancisay inay dowladda uga Dambeeyaan shirkaas ayna noqdaan wafdi ka mid ah wufuudada M/wyenaha SOMALIA.

Dhanka kale ilo muhiim ah oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maamul goboleedyada loo ogolaaday iney xubno ku yeshaan shirkaas muhiimka u ah SOMALIA.

Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyey in maa mulayaasha gobollada hoggaankooda & Laba qof oo kale in ay ka qeyb-galayaan kulanka londo ee looga hadlayo arrimaha Somalia waana aarin ay dowladda dhexe ay Raalli Ka Tahay.

Waxaa xusid mudan in maamulayaasha gobollada dalka iyo ragga la socda oo ay soo xushaan in tira ahaan aanay ka Badan Karin 15,gobolkiiba 3-Xubnood Macnaha.waloo aan la xaqiijin tirada dadka qeyb-galaya dhinaca D/Dhexe.

Waxaa horey qalinka loogu duugay in dowladda dhexe ee somalia ay u matali doonto shirka london iyadoo uu horkacayo M/weyne Farmaajo,iyadoo hal waddan laga socdo,waxaana arrintaan laga soo xigtay Mr-C/Raxmaan Ceynte oo dowladda ay u wakiilatay maamulka shirkan la rajeynayo.

Ugu dambeyntiina waxaa xusid mudan in  Xildhibaanada ay xubno ku yeelan doonaan  shirka london,sidoo kale waxaa shirka ka qeyb-geli doona aqoonyahanno soomaaliyeed Oo Lagu martiqaaday ka qeyb-galka shirka.

Allkisima news Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)