SOM-Isku-Dhac Waraaradda-Maaliyadda & Ganacasatada-Qaadka!..& Qaadka Oo Maanta-Laga-Dejin Doono Magaalo Kale…Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 20th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho:-(Allkisima)-Warar ka Saaka Magaalda Muqdisho La Isla-dhexmaro Ayaa Sheegay  in Maanta Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Dalka Kiinya ay u wareegan doonaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Diyaaradaha Qaadka ayaan maanat ku soo degi doonin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho sababta ugu weyna waxaa lagu sheegay in uu khilaaf soo kala dhax galay Wasaaradda Maaliyada Ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsatada qaadka.

Waxaana uu yimid Khilaafka ka dib markii Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatadu ay ku heshiinwaayeen Canshuur kordhin lagu sameeyay Qaadka Magaalada Muqdisho la keeno iyadoo 1-KGM ee Qaad ah lagu canshuuro $ 2.5.

Ugu  dambeyntiina wararku waxa ay tibaaxayaan in illaa 4 Diyaaradood oo qaad sida maanta ay ka degeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar,waxaana markii hore Jowhar qaadka uu ku gaari jiray safarka dhulka ah balse maanta ayaa la filayaa in diyaarado ay halkaa geeyaan.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararaka
Xafiiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)