SOM-(Xamar)-Madaafiic Hoobiye-Yaal Ah Oo Maanta-Ku Habsaday-Xaafadda Howl-Wadaag Iskuul Ku-Yaal & Dhimashada & Dhaawaca-Oo!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 18th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-Goobtii Laga Qaaday Gabadhii Geeriyootay-1-JPG.

Muqdisho🙁Allkisima)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha madaafiic maanta lagu garaacay magaaladda Muqdisho.

Madaafiicdan oo ku dhacay xaafado kamid ah degmada Hawlwadaag ayaa waxaana ku geeriyooday dad lagu qiyaasay ilaa 5 qof oo caruur iyo ardey ku jiraan .

Waxaa xusid mudan in goobta ay ku habsadeen in ay  aheyd goob ama iskuul islaami ah,waxaana ka muuqanayay dhiig iyo buugaag arday la laayay lahaayeen.

Allkisima_Phot's-Iskuulka Saqafkiisa Sare oo uu hoobiye Soo Galay-2-JPG.

Allkisima_Phot's-Duqeynta Ka DIB-Ardaydii oo isku-dhex-Yaacsan-3-JPG.

Halkan waxaa ka muuqda bugaagtii iyo agabkii ay sidatay gabar yar oo ku jirtay xiisada fasalka sedaxaad dugsiga hoose ee Usama Bin Zayd wax yar ka dib markii ay ku dhimatay hoobiye ku dhacay xaruntooda waxbarasho oo ku taal degmada. Howlwadaag ee magaaladda Muqdishu.

Allkisima_Phot's-Duqeynta Ka DIB-Fasal gudihiis-4-JPG.

Waxaa gabadha yar la-dhaawacmay qaar ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen,oo iyagana gabdho ah.

Ugu dambeyntiina hoobiya-yaasha ay tuuraan shabaabka oo ay la beegsadaan dowladda ayaa waxa ay ku dhacaan goobo ay ku noolyihiin shacabka,sida guryaha & madarasooyinka IWM.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)