SOM-M/weynaha Xiriirka K/Cagta-Qaaradda Afrika-Mr-Axmed-Axmed Oo Muqdisho Yimi Oo Loo-Diiday-Gelidda Stadio Muqdisho Ka-DIbna M/Weyne-Farmaajo Uu-Ammar!!…Warbixin & Sawirro…

Waxaa Qoray on Apr 18th, 2017 and filed under Ciyaaraha, Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-G/Miyaha Xiriirka K/Cagta Qaaradda Afrika Oo muqdisho Yimi-1-JPG.

Muqdisho­čÖüAllkisima)-M/weynaha xiriirka K/Cagta qaaradda Afrika mR-Axmed Axmed ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo socod kala duwan ku maraya qaar kamid ah garoomada caasimadDa Muqdisho siweyn ayaana loosoo dhaweeyey.

Gu/miye Axmed Axmed ayaa xilkan loo doortay 16-Maarso 2017, isagoo xilkan kala wareegay Issa Hayatou oo horay u maamulayay xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika intii u dhaxaysay 10-March 1998-2017.Waana Madaxweynihii koowaad ee Kubada cagta Africa ee soo booqda SOMALIA.

Waxaa jira Caqabado lagala kulmay xiligii Gudoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Africa uu booqanayey garoomada Sportiga Magaalada Muqdisho Caqabadaas oo ah in Ciidamada Amisom diideen in uu soo galo Garoonka.

Allkisima_Phot's-G/Miyaha Xiriirka K/Cagta Qaaradda Afrika Oo muqdisho Yimi-2-JPG.

Wafdigaan oo ay lasocdeen Wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka midyihiin Wasiirka Gaashaan dhiga Wasiirka abniga iyo Wasiirka dhaliyarada iyo  Sportiga kuwaas oo dhamaantood loo diidey in ay galaan Garoonka kubada Cagta Muqdisho Waxaana lasheegayaa in Markii dambe Madaxweynhu amray Ciidanka Amisom in ay u ogolaadaan Wafdiga in ay galaan gudaha.

Ugu damnbeyntriina waxaa xusid mudan in Socdaalka uu ku yimid gudoomiye Axmed-Axmed magaalada Muqdisho in uu ku wehlinayey guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalka Jabuuti Mr-Saleebaan Waabari iyo madax kale oo kasocota Caf iyo FiFA.Waxayna Muqdisho joogi doonaa ilaa Maalinta Talaadada sida lasheegay.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Ciyaaraha, Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)