J/Land-Ciidamada AMISOM-Kiinya-Oo Miino Dhulka Loogu Aasay Iyo-Khasaaraha Oo!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Apr 17th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qarax La-la Eegtay-Ciidamada Amisom-Kiinya-1-JPG.

Kudhaa :-( Allkisima)_Wararka Aanu Ka heleyno qaar ka mid ah dadka ku nool Jaziiradda kudhaa ama kulmis ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kiinya uu haleelay qarax miino oo lagula- eegtay duleedka tuulada Hoosingo

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in Nooca qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.

Weli ma cadda khasaaraha dhabta ah qaraxa la-la eegtay ciidamada qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM,gaar ahaan kuwa kiinya.

Dhanka kale Malleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay in qarax miino ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Kiinya, balse saraakiisha ciidanka Kiinya wali kama aysan hadlin Qaraxaasi.

Masuuliyiinta dowladda SOMALIA  iyo kuwa M/G/J/land wali kama aysan hadlin, Qaraxa miino ee lagu weeraray ciidanka Kiinya.

Weerarka lagu qaaday kolonyada ciidanka dowladda Kiinya ayaa kusoo beegantay  xili 12-kii bishan April, diyaaradaha dagaalka dowladda Kiinya, ay duqeeyeen saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin G/J/Hoose.

Ugu dambeyntiina Malleeshiyaadka Al shabaab ayaa ku xooggan qeybo ka mid ah Jubbooyinka, waxaana dhawaan dagaal xooggan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka Kiinya uu ka dhacay  tuulooyinka kulbiyoow iyo badhaadhe,oo khasaare faro badan gaarsiiyey kiinya ciidamadeeda.

Allkisima News Desk
‘Diiwaanka Wararka
Xafiiska/.Kampala.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)