USA-Dowladda Mareykanka Oo Dowladda-Ruushka Ku Cadaadineysa In Ay Joojiso-Taageerada M/weyne Asadka Siiriya!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 12th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Washington:-(Allkisima)-Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta gelinka dambe cod u qaado qaraar qabyo ah oo dalbanaya in Suuriya iskaashi ka sameyso baaritaan lagu sameeyo weerarkii kiimikada ee todobaadkii hore dhacay.

Duqayntaas ayaa ku dishay 90 qof magaalada Khan Sheikhoun ee ay maamulaan xoogagga Falaagada.

Codqaadista golaha ammaanka ayaa imaanaysa dhamaadka safarka xoghayaha arimaha dibada Mareykankaf Rex Tillersons ee magaalada Moscow.

Ruushka ayaa sheegay qaraarkii qabyada ahaa ee todobaadkii hore uu ahaa mid aan la aqbali karin oo aan idmannayn.

Rex Tillerson wuxuu u leeyahay taariikh wanaagsan la samaynta heshiisyo aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo, laakiin taasi waxay ahayd xiligii uu ahaa madaxa shirkadda tamarta ee Exxon Mobil.

Isagoo ah diblumaasiga sare ee Mareykanka shaqadiisa ayaa u muuqata in ay mid aad u adag hadiiba aanay ahayn mid aan suurtagal.

Wuxuu doonayaa in Ruushku xaqiijiyo in Suuriya ay ka tanaasusho hubka u haray ee kiimikada ah, isla markaana in uu ku riixo in waa Ruushkee uu dib uga waabto taageerada madaxweyne Asad waada xaajoodka mustaqbalka Suuriya.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in dhammaan baaqyadaas uu gaashaanka ku dhuftay M/weynah Ruusha Mr-Vladimir Putin wuxuuna ku eedeeyey fallaagada weerarka kiimikada, wax yar ka hor intii aanu Mr Tillerson imaan Mosow.

Mr Putin wuxuu sheegay in kooxaha mucaaradka ay hadda qorshaynayaan weeraro kale oo dheeraad ah oo la mid kii hore si ay Mareykanka ugu soo jiidaan colaadda.

Isagoo ka hadlayey weeraradii lagu qaaday Suuriya ee Mareykanku fuliyey wuxuu ku tilmaanay kuwa lidi ku ah qaanuunka caalamiga ha.

Ugu dambeyntiina Aqalka Cad ayaa soo saaray warbixin uu ku eedeynayo Ruushka in uu ka difaacayo Asad eedyamaha ah inuu adeegsaday hubka wax gumaada

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)