J/Land-”Kisima”-Agaasimayaashii Musuq-Maasuqa-Saaxiibka U-Noqday Iyo Mr-Axmed Madoobe & Kulan-Qado Ah!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Apr 8th, 2017 and filed under Wararka Somaliya, wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Allkisima_Phot's-Agaasimayaashii Musuq-Maasuqa & Mr-Axmed Madoobe-1-JPG.

Kismaayo :-( Allkisima)-Hoggaamiyaha J/land Mr-Axmed Madoobe ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Agaasimayaashii Musuq-maasuqa Ku soo Baxay oo u badan beesha uu ka soo jeedo Ogaadeen=Max’ed Subeer waa 12 xubnood.

Qado sharaftan oo ka dhacday Ex- Gurigigii Martida oo hadda saldhig u ah Mr-axmed Madoobe Maamulkiisa,waxaana uu kala hadlay Habkii Ay U-Howl-geli Lahaayeen.

Tira-koobta dhabta ah ee agaasimayaasha ayaa la xaqiijiyey in ay tahay 22-waxaana 11-Ka Mid ah ay Noqdeen beesha Ogaadeenka-Max’ed Subeer,Halka Ogaadeenka Ee Soo Harayna waa cowlyahan hal.

Tirada Kale ee soo hartay ayaa la xaqiijiyey in ay yihiin 4-Beesha SADE,1-Cowromale,Hal-Gaal-jecel,hal dhul bahante ah & Hal reer Bicidyahan oo uu General darwiish watto,oo weliba aan deegaan aheeyn.

Waxaa xusid Mudan In wasiirka Warshadaha Ganacsiga ee J/Land- mr-Jaamac Farrid Suleymaan(FROM-P/LAND) Oo Isagu Ka soo Jeeda Beesha Dhulbahante uu isna keensaday wiil uu adeer u yahay,oo aan deegaan aheyn,oo sidiisa oo kale.

Sidoo Kale waxaa xusid mudan wasiirka Sportiga aMr-Aw-Libaax Ayaa Isna waxaa uu xog-heyn ama kaaliye uu Ka dhigtay wiilkiisa oo uu u Yeeray oo Xamar Joogay.

Dhamaan Agaasimayaasha ayaa la rumeysanyahay in dhammaantood inta badan aanay deegaan aheyn ,ha-yeeshee la xaqiijiyey shakhsiyaadka kuwo loogu talo-galay in Maamulka Si Xaq-darra ay uga qeyb-galaan.

Ugu dambeyntiina xaalkan dadkan lagu shaqaaleeyey oo la yiri agaasimayaal guud ayaa tihiin ayaa la rumeysanyahay in aanay Sax aheyn oo dhammaantood musuq-maasuq lagu doortay oo lagu soo xushay.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Muqdisho.
Categories: Wararka Somaliya, wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)