USA-Dowladda Mareykanka Oo Weerar-Gantaallo Ah Ku Qaadday Garoonkii Weerarka-Ay ka Qaadeen Ciidamada Daacadda U Ah-M/weynaha Syria “Asad”!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Apr 7th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Mareykanka Oo Weeraray Ciidamada Daacadda U Ah M/weynaha Syria-1-JPG.

Tallahassee:-(Allkisima)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerar la sheegay in lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada Suuriya ay leeyihiin , kuwaas oo lagu garaacay  gantaalaha ‘Cruise’ loo yaqaanno , kuwaas oo aan ilaa hadda khasaaraha ka dhashay aan si rasmi ah loo ogeyn .

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in tiro dhan 59- gantaal oo ah nooca ‘Tomahawk’ laga soo riday markab ciidanka badda ee Mareykanku leeyahay oo fadhiya badda Mediterranean.

Bar-tilmaameedyada la garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Mareykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee lagu laayey dad joogay magaalo ay fallaagadu haysato.

Waxaa xusid mudan in Ruushka oo saaxib la ah Suuriya wuxuu digniin ku bixiyey in ficil kasta oo milateriga Mareykanku ka sameeyo Suuriya uu yeelanayo cawaaqib-xun.

Sidoo Kale waxaa xusid mudan in mareykanka uu sheegay goor sii horreysay  inay qorshaynayaan talaabo militeri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay fallaagadu haysato, halkaasoo ay tiro dad badan oo shacab ah oo maato u badan ay ku dhinteen.

Ugu dambeyntiina M/weynaha Mareykanka Donal Trump, ayaa sheegay in weerarkan uu isaga amray uuna jawaab u yahay weerarkii kiimakada loo adeegsaday ee ka dhacay Suuriya oo lagu eedeynayo inay dowlada dalkaas ka dambeysay, waxaana jira warar sheegaya in Saldhigyada la weeraray ay joogeen Ciidamo ka tirsan Militariga Ruushka .

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)