J/Land-”Kisima”-IMTIXAANKII-Agaasimayaasha Guud-IYO MUSUQ-MAASUQ Hooyadiis & Aabihiis Iyo-Kismaayo!!…Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 3rd, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

MUSU-MAASUQ AABIHIIS & HOOYADIIS-KISMAAYO-1-JPG.

Kismaayo:_(Allkisima)-Iyadoo la Rumeysanyahay in waqti laga joogo muddo 3-Biloold ah lagu Soo dhejiyey warqad ogeysiis ah xafiiska shaqada Iyo shaqaalaha,ee magaalada kismaayo oo la qaadanayo Agaasimayaal guud ayaa jawaabteedii waxa ay noqotay mid lagu guul-darreystay.

Maalintii ay taariikhdu ku beegneyd  20kii bishii dhammaatay ee MARCH maalintii isniinta waxaa la qaaday imtixaankii la shaaciyey 3-bilood ka hor,waxaana dhacday in dadkii ka soo jeeday beelaha deegaanka waraaqahoodii iyo- CVEEgoodii hoos la galiyey,oo imtixaankii laga qaaday dad gaar ah oo uu maamulka wattay,waxaana la xusay in imtixaankii uu ka qeyb-galay hal qof oo deegaan ah oo ka mid ahaa macallimiintii hore ee soomaaliya,waxaana uu noqday- Dr;-C/Rashiid Saciid Mussa=Curri-oo isagu ka soo jeeda beesha HARTI ee Warsangeli oo  la yiri waad ku dhacday imtixaankii.

Wararka hoose ee aan helnay waxa ay intaa ku darayaan in shakhsiyaad ay codsadeen imtixaanka in ay ka qeyb-galaan laakiin waraaqahoodii iyo CVEEGOODII Hoos la galiyey.

Dhanka kale waxaa ay shabakaddan Allkisima soo ogaatay in imtixaanka ay qaadday hay’ad kiinyaan ah oo Soomaalida kiinya ah una badan beesha OGAADEENKA,waxaana waraku ay tibaaxayaan in heshiis la-la-soo galay oo ay Qaateen laaluush oo aan la cayimin,isla-markaana-Haya’dda imtixaanka qaadeysay ay fulisay awaamirtii Maamulka kismaayo ee Axmed Madoobe Maamulo.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in beelaha imtixaanka BEENTA AH KU GUULEYSTAY Isugeyn waa 19-xubnood waxaana Ay ka soo kala–Jeedaan beelaha kala Ah:-

1-Beesha OGaadeen…Max’ed Subeer-12-Xubnood Oo Agaasimayaal Ah.

2-Beesha Marreexaan-4-Xubnood Oo Agaasimayaal Ah.

3-Beesha Gaal-jecel Hal Xubin,oo Agaasime Ah.

4-Beesha Cowro–maleh Hal Xubin Oo Agaasime Ah.

5-Beesha Dhulbahante Hal Xubin Oo Agaasime Ah.

6-Beesha Reer Bicidyahan From-Darwiish-HAL Xubin oo Agaasime Guud Ah.

7-Beesha OGaadeen Max/ed Subeer Axmed Madoobe Ay Isku jifa-yihiin Agaasinka Madaxtooyada.

8-Beesha Ogaadeen-Cowlyahan-Agaasime Guud Hal-Xubin.

Haddaba tirakoobtan waa 19kii xubnood ee imtixaankii Agaasimayaasha ku gudbay!!..oo shahaadooyinka been-Abuurka La Siiyey.marka laga saaro agaasinka madaxtooyada oo axmed madoobe qaraabo yihiin,jifo hoose.

Waxaa xusid mudan in xaaladahan lagu shaqaaleynayo shaqaalaha hay’daha maamul ee J/LAND UU Fikirkeeda lahaa WORLD BANK,Hayeeshee Waxaan shaki ku jirin in WORLD BANK Aanay gaarin ujjeedkoodii iyo fikirkoodii- Wanaagsana loo rogaya dhan kale,oo uu madax u Yahay-CUDURKA AFRIKAANKA BAABI’YEY EE -MUSUQ-MAASUQA.

Ugu dambeyntiina World banka dadka indha-indheeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ku wargelinaayaan in dhaqaalihii ay ku bixin laheyd Agaasimayaasha hay’daha Maamul ee J/LAND ee mushahar ahaanta loo siin lahaa In ay Hakiso inta laga helaayo Maamulka j/land caddaalad & Maamul wanag wada-jira,oo ka fog Musuq-maasuq IWM.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kismaayo-BY/Ciise-Gishaar.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)