USA-M/weyne TRUMP Oo U Hanjabay-Hogganka Kuurikyada Waqooyi!!..Warbixin…

Waxaa Qoray on Apr 3rd, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Washington🙁Allkisima)-M/weyne Trump ayaa U Hanjabey Kuuriyada Waqooyi Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Dhex Qarxo Mareykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi. M/weynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in dalka mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga Qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi.

M/weyne Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.

Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping kahor kullanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee M/weyne Trump ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhameystiri lahaa tallooyin dhowr ah oo ku aadan xaalada kuuriyada waqooyi kahor inta aanu Trump safarkiisi ugu horeeyay ku tagin qaarada Asiya.

Xog-haya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna waxaa uu dhankiisa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horraantii sannadkii hore ayey aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaas tijaabisay gantaallada riddada dheer.

Waxaana xukuumadda Pyongyang oo dhowr jeer tijaabisay gantaalo nukler ah ayaa lagu eedeeyay inay faraha kula jirto qorshe halis ah oo aad u xun.

Arrintu Si kastaba ha ahaatee Pyongyang waxa ay dhankeeda sheegtay in tijaabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

Allkisima Newws Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)