SOUTH SUDAN:-Diyaarad Sidday 49 QOF Oo-Isugu Jira Rakaab Iyo Shaqaale Oo Dhacday-Iyo-Geerida Dhammaantood!!…Warbixin Iyo-Sawirro…

Waxaa Qoray on Mar 20th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Foto-Fr-Newvision-Diyaarad ku dhacday Mid ka Mid Ah Garoomada Dalka Suudaan-1-JPG.

JUBA🙁Allkisima)-Wararka naga Soo Gaaray Caasimadda South Suudaan ee JUBA Ayaa Sheegaya in diyaarad laga leeyahay dalkaasi ay ku soo dhacday gudaha garoonka Diyaaradaha ka-dib markii cimilada ay xumaatay

Guud ahaan Diyaaradan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 49 Qof, 44-waxa ay ahaayeen Rakaab Halka 5ta qof oo kale ay ahaayeen shaqaalihii diyaaradda saaranaa.

Foto-Fr-Newvision-Diyaarad ku dhacday Mid ka Mid Ah Garoomada Dalka Suudaan-2-JPG.

Dhanka kale airpoorka qeybta hagidda diyaaradaha ragga ka shaqeeya waxa ay xaqiijiyeen in hawadu oo xumaatay iyo Cillad Farsamo Labadaba oo pilotkii uu dejjin waayey diyaaradda hawada oo xun darteed ayna dhacday.

Foto-Fr-Newvision-Diyaarad ku dhacday Mid ka Mid Ah Garoomada Dalka Suudaan-3-JPG.

Dhinaca kale garoonkii ay ka soo kacday oo ku yaal qeybta waqooyi ee suudan waxa ay sheegeen in dhammaan dadka ay ahaayeen Suudaan Marka laga saaro Laba Qof oo ukala dhashay China & Ereteria.

Waxaa jira tiro yar oo dhaawac ahaa markii hore laakiinse markii dambe dhammaan waxa ay u geeriyoodeen dhaawicii Ka soo gaaray diyaaradda.

Ugu dambeyntiina goobta Diyaaradda  ay ku soo dhacday ayaa waxaa gaaray Ciidamada ammaanka iyo saraakiisha caafimaadka, sida ay sheegeen warbaahinada dalkaas.

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)