QUBRUS-Jaziiradda Qubrus-Marinka Ugu Dhow Oo Yurub Laga-Galo Somaali & Afrikaan Kale Oo-Ay Qaabishay!!…Warbixin Iyo-Sawirro…

Waxaa Qoray on Mar 17th, 2017 and filed under Wararka Somaliya. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Nicosia:-(Allkisima)-Sanadkii lasoo dhaafay 2016-kii waxaa la sheegay in ay ka bateen tiro ahaan dadka Magan galyo doonka ah Ee Waddamada Caalamka iska dhiibay.

Marka loo Eego Sanadkii 2015-kii waxa ka badnaaday Sanadkii 2016 sida lagu Cadeeyey Warbixin lagu daabacay Majalada Euro-stat.

2,840 qof ayaa markii ugu horeysay la sheegay inay Codsi Magan gelyo doon ah ka helay Waddamadii ay tageen taasi oo ka badan 35% intii labo sano ka hor codsiyada gudbisatay.

Dalalka Midowga Yurub ayaa waxay la daalaa dhacayaan ilaa bilowgii Sanadkaan dad badan kuwaasi oo iyagu kusii qul-qulayey Waddamo ay ka mid yihiin Talyaaniga oo ah Marinka koowaad ee Badda Meditrreanka markii laga gudbo

Waddamada kala ah,Holland,Norway,Denmark,Finland,Sweden,Swizarland,Biljimka iyo Germany oo ah Xudunta Qaxootiga Ee sannadihii Dambe.

Warbixinta Euro-stat ayaa lagu sheegay in Codsiyada ugu badan dadka gudbiyey ee la aqbalay ay tageen Waddanka Yar Ee Jaziirada Qubrus waxaana la qaabilay Labo Kun iyo Sideed Boqol oo Magan gelyo doon Ah.

Dadkaasi waxaa 1,165 ay ka yimaadeen Siiirya,tiro ahaan waxay yihiin 41% waxaana 225 qof kale ay ka tageen Soomaaliya oo xadi ahaan ka dhigan 8% iyadoo 205 ay ka yimaadeen Dalka Pakistaan oo udhigma 7%.

Waxaa la sheegay in Jaziirada Qubrus ay noqotay Marin ka dhib yar Badda lagu halaagsamo iyadoo Xero qofka la dejiyo markii uu tago halkaasi kadibna uu is diin waan geliyo oo Muddo kadib loo qaado Yurubta Galbeed ama mida Koonfureed waddamada ku yaalla.

Ugu dambeyntiina Qubruz Caasimadeeda Waa Magaalada Nicosia waxaana Soomaalida ku-sugan ay sheegeen in Xaaladooda ay tahay mid- Wanaagsan oo dhibta Talyaaniga dadka Tahriibka ku tagey ka fiican yihiin marka loo Eego sida loo soo dhaweeyey iyo Nolol ahaan meesha ay Joogaan oo ah Jaziirad ku taalla Bariga Dhexe Una Dhaw Badda Dhexe Ee Cad (Mediterenian Sea).

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararka
Xafiiska/Kampala.XigashoEuro-stat-News.
Categories: Wararka Somaliya
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Wararka Laga Faalooday

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)