UGANDA-Af-Hayeenka Ciidamada Booliska-Dalka Uganda Iyo Dad Kale Oo La Socday Oo-La Khaarijiyey!!…Warbixin…

Waxaa Qoray Admin on Mar 17th, 2017 and filed under wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kampala:-(Allkisima)-Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Uganda Andrew Felix Kaweesi ayaa saaka lagu dilay magaalada Caasimadda ah ee Kampala.

Mr-Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas tiro-badan oo arxan la’aan ah.

Dhanka Kale Kooxaha weerarka geystay ayaa baxsaday, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa sida wararku sheegayaan.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka waddanka Uganda ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada wadanka Uganda ay sheegtay in la baarayo weerarkan oo saaka si weyn looga hadal hayo guud ahaan waddankan.

Ugu dambeyntiina maamulka ka jira Dalka Uganda ayaa lagu sheegaa musuq-maasuq baahsan inuu ka jiro laakiin uusan gaarin heerka musuq-maasuqa ay ka gaareen Somalia & Kiinya .

Allkisima News Desk
Diiwaanka Wararaka
Xafiiska/Kampala.
Categories: wararka Caalamka
Tags:

Fikrad Ka Dhiibo

Xayeeysiis

Archives by Tag

Photo Gallery

© 2010 Allkisima.com. All Rights Reserved, Designed by Rasmilink.com(web hosting & Designing)